Frank Lampard Oo Magacaabay Kooxda Uu Uga Cabsi Qabo Booska 4-aad Ee Kooxdiisa.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa rumaysan in ay kooxda Man United tahay kooxda ugu halisan ee Chelsea kala wareegi karta kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad ee kala sarreynta Premier League, iyadoo hal dhibic ka dambeysa kooxda kaalinta seddexaad ee Leciester City.

Dhanka kale United ayaa ku jirta qaab ciyaareed aad u fiican iyagoo diiwaangaliyay seddex guul oo isku xigta Premier League tan iyo markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka bishii hore.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan labo dhibcood ka dambeysa Chelsea iyadoo shan kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka premier League.

Markii la weydiiyay hadii United ay tahay halista ugu weyn ee chelsea ayuu Lampard ku jawaabay”Haa, waa kuwa ugu halista badan, waa koox aad u xoog badan, waxay ku jiraan qaab aad u wanaagsan muddo dheer”.

“Waxay heystaan ​​ciyaartoy aad u fiican, run ahaantii ciyaartoy shaqsiyaad wanaagsan”.

“Waxa aad aragtay qaab ciyaareedka joogtada ah ee ay ku jiraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka waxa ay haystaan xiddigo kulamada go’aamin kara, xiddigaha weerarka uga ciyaara waxa ay dhamaantood dhalinayaan goolal badan”.

“Kooxda ugu halista badan ee naga dambaysa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*