Frank Lampard Oo Loo Sheegay Habka Uu Qaab Ciyaareed Fiican Uga Soo Saari Karo Timo Werner.

Tababaraha kooxda Southampton ee Ralph Hasenhüttl ayaa tababaraha chelsea ee Frank Lampard u sheegay in uu ku ciyaaro shax munaasib ku ah xiddiga Timo Werner hadii uu doonayo in uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaro xiddiga reer Germany.

Werner ayaa kaliya hal gool dhalyay 14-kii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa u muuqday mid aan kalsooni haysan kulankii Fulham kadib markii uu goolka kula soo baxay kubad laakiin iska khasariyay fursada.

Ralph Hasenhüttl oo Timo Werner tababare ugu soo noqday kooxda RB Leipzig ayaa sheegay in uuna xiddigu qaab ciyaareed fiican ku jirin sabab la xidhiidha in aanu ka ciyaarayn booskiisa ugu fiican.

“Waan Ogahay Timo, waxa aan horay u arkay isaga oo ku jira xaaladan oo kale oo uuna qaab fiican ku jiri”.

“Sababta ayaa ah in uuna ka ciyaarayn booskiisa ugu fiican ama ayna kooxdu qaab fiican ka soo saarayn isaga”ayuu yidhi.

“Hadii laga ciyaarsiiyo booskiisa ugu fiican waxa aan hubaa in uu soo badhigi doono wax walba oo looga baahanyahay weeraryahan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*