Frank Lampard Oo Ku Dhaw In Uu Ku Soo Laabto Shaqada Tababaranimo, Halkee Ayuu Ku Wajahanyahay?

Tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ku dhaw in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo bilo yar kadib markii laga caydhiyay shaqada kooxda chelsea.

Frank Lampard ayaa ugu cad-cad in uu tababare u noqdo xulka qaranka England ee xiddigaa 21 jirada sida ay sheegayaan wararku.

Xulka qaranka England ee 21 jirada ayaa qarka u saaran in uu ka hadho tartanka Euro-da ee xulalka 21 jirada waxana la filayaa in shaqada laga caydhiyo tababaraha haatan xulka hogaamiya ee Aidy Boothroyd kadib natiijooyinka xulka.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaysa in uu Frank Lampard yahay tababaraha ugu cad-cad ee shaqada ka badali doona tababare Aidy Boothroyd marka shaqada laga caydhiyo dhamaadka tartanka.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xidhiidhka FA-ga England uu la dhacay shaqadii uu Lampard ka qabtay chelsea iyo waliba Derby County sidii uu ula shaqeeyay xiddigaa da’yarka ah diyaarna u yihiin in ay shaqada u dhiibaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*