Frank Lampard Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Crystal Palace.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Crystal Palace.

Kooxda Chelsea ayay dhaawacyo uga maqanyihiin xiddigo muhiim ah kuwaas oo dhaawacyo kala duwan uga maqan kooxda tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Tababare Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee da’yarka ah ee Billy Gilmour seegi doono Kulanka Crystal Palace isaga oo sheegay in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono mudd 4 todobaad oo kale laakiin aad ugu dhawyahay in uu soo laabto.

Lampard ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga garabka uga ciyaara ee Christian Pulisic ku jiri doono Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Crystal Palace.

Laakiin Lampard ayaa sheegay in uuna xiddiga reer America ee Christian Pulisic ku bilaaban doonin shaxda laakiin kaydka ka soo kici doono hadii uu u baahdo.

Tababaraha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu xiddiga Hakim Ziyech seegi doono kulanka maadama uuna wali ka soo kabsan dhaawacii uu qabay laakiin aad u dhawyahay in uu ku soo laabto tababarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*