Frank Lampard Oo Ka Hadlay Is Bar-Bar Dhig Lagu Sameeyay Fernando Torres & Timo Werner.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay is bar-bardhig lagu sameeyay xiddiga haatan weerarka uga ciyaara chelsea ee Timo Werner iyo xididgii hore ee Blues ee Fernando Torres.

Xiddiga reer Spain ee Fernando Torres ayaa chelsea ku biiray suuqii January 2011 isaga oo 50 milyan oo euro kaga biray kooxda Liverpool.

Laakiin Torres ayaa si weyn ugu fashilmay kooxda Chelsea isaga oo aan ku soo bandhigin Blues qaab ciyaareedkii uu muddo 4 sano ah ku badhigay kooxda Liverpool.

Waxa ay u muuqataa in ay arintaas oo kale ku dhacayso Timo Werner kaas oo si weyn ugu dhibaatoonaya qaab ciyaareedka tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Timo ayaa kaliya hal gool dhaliyay 15-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Lampard oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Dhamaan xiddigaha kubada cagtu waxa ay maraan wakhti adag xorfadooda ciyaareed waana arinta uu Timo haatan ku jiro kaliya waa in uu u shaqeeyo si adag wakhtiga soo socda.

“Anigu dadka kale kuma raacsani bar-bar dhiga Timo Werner lala bar-bardhigayo Fernando Torres sababta oo ah waxa uu kooxda kula guulaystay champions League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*