Frank Lampard Oo Haatanba Xaqiijiyay Laba Xiddig Oo Seegi Doono Kulanka Bayern Munich Ee Todobaadka Dambe.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa haatanba xaqiijiyay 2 xiddig oo kooxdiisa ah kuwaas oo seegi doono kulanka Bayern Munich ee Champions League.

Kooxda Chelsea ayaa booqan doonta Bayern Munich kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Chelsea ayay dhaawacyo ku habsadeen kulankii Final-ka FA Cup-ka ee ay Blues guuldarada kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Wembley.

Xiddigaha César Azpilicueta, Christian Pulisic iyo Pedro ayaa dhamaantood dhaawac looga saaray kulankii ay Chelsea guuldarada kala kulantay Arsenal.

Tababare Fran Lampard ayaa wax laga waydiiyay xaaladaha xiddigaha ciyaarta kadib waxana uu yidi” César Azpilicueta Iyo Pulisic waxa ay ka dhaawacmeen muruqa waxana la sugi doonaa Baadhitaanka laakiin taam uma noqon doonaan Kulanka Bayern Munich, Pedro garabka ayuu wax ka noqday waxa aan sugi doonaa sida wax u dhacaan”

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*