Frank Lampard Oo Go’aan Ka Gaadhaya Masuuliyada Rikoodhada Kooxdiisa Kadib Markii Jorginho Laga Qabtay Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Tababaraha Kooxda cheslea ee Frank Lampard ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu xiddiga Jorgino ka qaado masuuliyada rikoodhada kooxdiisa kadib markii xiddiga rikoodhe laga qabtay kulankii Champions League.

Xiddiga reer Italy ayaa rikoodhadii 2-aad laga qabtay xilli ciyaareedkan kulankii champions league ee Arbacadii kadib markii uu iska khasaariyay rikoodhe kulankii Liverpool ee Premier League.

Wargayska Metro ayaa sheegaya in uu Lampard doonayo in uu ka wareejiyo xiddiga masuuliyada rikoodhada inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Timo Werner, Kai Havertz iyo xiddigo kale oo kooxdiisa ah ayaa la sheegayaa in ay u tartamayaan in ay qaataan masuuliyada rikoodhada kooxda chelsea.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*