Frank Lampard Oo Diiday In Uu Dhaleeceeyo Kepa Inkasta Oo Uu Khaldaad Dilaa Ah Sameeyay Kulankii Chelsea Bar-Baraha La Gashay Southampton

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa diiday in uu dhaleeceeyo Goolhayaha Kepa Arrizabalaga inkasta oo uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii Southampton.

Kooxda Chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh oo 3/3 ah la gashay kooxda Southampton inkasta oo ay 3-da gool-ba ku hor martay kulanka.

Kepa Arrizabalaga ayaa sameeyay Khalad waali ah kulankii Southampton gaar ahaan goolkii 2-aad taas oo keentay in ay kooxda Southampton ka faa’iidaysato.

Lampard oo la hadlaya wargayska Football London ayaa yidhi”Kepa Arrizabalaga Waa in uu noqdo mid awood leh, waa waxa looga baahanyahay hadii uu doonayo in uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah Kubada cagta”.

“Kepa Arrizabalaga Waaxa uu heli doonaa taageeradaday, waxa uu sameeyay badbaadin fiican”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Somaliland oo ka Jawaabtay heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo UN

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*