Frank Lampard Oo Booska Ugu Fiican U Helay Xiddiga Kai Havertz

Tababare Frank Lampard ayaa u muuqda mid helay booska ugu fiican ee xiddiga Kai Havertz Kadib markii uu raadinayay booskaas tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Blues ayaa inta badan ku ciyaara shaxda 4-2-3-1 si uu u helo shaxda ugu fiican ee weerarka.

Kadib markii ay kooxda yimaadeen xiddigaha Kai Havertz, Timo Werner & Hakim Ziyech Lampard ayaa raadinayay shaxda ugu fiican ee uu ku wada ciyaarsiin karo xiddigaha.

Shaxda 4-2-3-1 aya ah shaxda ugu fiican ee siinaysa waxa uu doonayo taas oo ah ciyaar weerar ah taas oo ay xiddigaha cusub ka wada qayb qaadanayaan.

Shaxda 4-2-3-1 ayaa ah mida ugu fiican ee uu xiddiga Kai Havertz Kaga ciyaari karo booska ugu fiican ee ah kubad sameeyaha ama No.10.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*