Frank Lampard Oo Balan Qaad Koob Ah U Sameeyay Taageerayaasha Blues.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa si caadcad ah ula hadlay taageerayaasha Blues isaga oo sheegay in uu kooxda ku hogaamin doono koob xilli ciyaareedkan.

Kulankii ugu horeeyay ee uu Lampard ku soo laabtay Garoonka Blues isaga oo tababare ah ayaa ahaa August 2019 markaas oo ay kooxdiisu bar-baro 1/1 ah la gashay Leicester City.

Laakiin xilli ciyaareedkii hore ee khadka dhexe ee chelsea ayaa taageerayaasha uga mahad celiyay soo dhawayntii diiranayd ee ay u smaeeyeen.

Xillli ciyaareedkii hore Kooxda ayaa ku dhamaystay koob la’aan laakiin kadib markii ay suuqa lacag badan galisay Lampard ayaa dareensan in ay kooxdiisu koobab ku guulaysan doonto xilli ciyaareedkan.

“Sida aan mar walba sheego waan xasuusan doonaa soo dhawayntii ay ii sameeyeen taageerayaashu, markii aan soo galay Stamford Bridge markii ugu horaysay aniga oo tababare u ah chelsea”.

“Waxa ay ahayd dareen fiican waanan jeclaaday, kooxdan waa kooxdayda, ma jiraan dad sidayda oo kale u nasiib badan”.

“Soo laabashada chelsea iyo soo dhawayntii aan ka helay waa wax fiican waxana ay doonayaan in ay koobab u dabaal dagaan wayna u qalmaan  arintaas waxana aan u rumayn doonaa riyadooda xilli ciyaareedkan”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Soo Saartay Caleemo Saarka Cuqaasha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*