Franck Kessié Oo Ka Jawaabay Dalab Ay Liverpool Miiska U Saartay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessié ayaa ka jawaabay dalab ay Kooxda Liverpool Miiska u saartay si ay u hesho saxiixiisa xagaaga dambe.

Kooxda Liverpool ayaa suuqa ugu jirta badalka xiddiga Gini Wijnaldum oo ka tagay kooxda xagaagan qaab xor ahna ugu biiray kooxda PSG.

Liverpool ayaa xiddiga Franck Kessié u aragta badalka mustaqbalka fog ee Gini Wijnaldum waxana ay u soo bandhigeen heshiis ay u 3 jibaareen mushaharka uu ka qaato kooxda Ac Milan.

Heshiiska Franck Kessié ee kooxda Ac Milan ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana uu ilaa haatan ka meer-meerayaa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Ac Milan.

Franck Kessié oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ku faraxsanahay in aan u ciyaaro Ac Milan, wax niyad ahna uma hayo in aan ka tago”.

“Xaqiiqada ayaa ah in aan ku faraxsanahay halkan waliba aan doonayo in aan sii joogo halkan muddo dheer”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*