Franck Kessie Oo Heegan Galiyay Kooxaha Premier League.

Xiddiga qadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u doonayo u dhaqaaqista Premier League marka uu dhamaado heshiiska uu kula jiro kooxda reer Talyaani.

Heshiiska 24 jirkan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu heshiis hordhac ah la gaadhi karo kooxaha kale marka la gaadho suqua January.

Kessie ayaa ciyaaray dhamaan 5-tii kulan ee premier League isaga oo 4 ka mid ah ku bilowday kadib markii uu ciyaaray 37 kulan Serie A-da xilli ciyaareedkii dambe.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay 90min, ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Ivory Coast ayaa iska diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Milan, wuxuuna taas bedelkeeda mudnaanta siinayaa u dhaqaaqista England xagaaga soo aadan.

Kessie ayaa dareensan in qaab ciyaareedka premier League uu ku soo baxayo iyada oo kooxaha Chelsea, Man United, Liverpool iyo Arsenal dhamaantood xiiso u qabaan saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*