Garabka Francisco Conceição ee kooxda Juventus ayaa ka jawaabay wararka sheegaya in Liverpool ay doonayso inay la soo wareegto si uu u noqdo badalka Mohamed Salah.
Salah, oo 33 jir ah, ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedka, taas oo soo afjaraysa sagaal sano oo cajiib ah oo uu kooxda la qaatay.
Liverpool ayaa hadda raadineysa ciyaaryahan buuxiya booska xiddiga reer Masar, waxaana la sheegay inay indhaha ku hayaan Conceição oo ka tirsan Juventus.
Ciyaaryahanka 23 jirka ah ayaa la weydiiyay wararkaasi shir jaraa’id, balse wuxuu cadeeyay inuusan ku degdegin inuu ka tago kooxdiisa hadda.
Wuxuu yiri:“Waan ogahay in dadku ka hadlaan inay tahay koox weyn, laakiin aniguba waxaan ka ciyaaraa koox weyn oo aan ku faraxsanahay.”
“Hadda waxaan diiradda saarayaa labadan kulan ee aan la ciyaareyno xulka qaranka, kadibna waxaan xoogga saari doonaa qaybta ugu dambeysa ee horyaalka si aan kooxdayda uga caawiyo inta ugu badan ee aan awoodo.”
Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan joogaa koox weyn oo cadaadiska guushu aad u sarreeyo. Waa inaan sii wadaa shaqada oo aan ka qayb qaataa goolal iyo caawin (assists).”
Be the first to comment