France Vs Australia : 21 Sano Ka Hor Ayaa Ugu Dambeeysay France Guul Darro Ay Kala Kulmaan Reer Canberra

France ayaa isha ku haysa guul ay ku bilaabeen koobka aduunka waliba ilaalsadaan koobkaan oo ay haystaan haatan

Xogta Kulanka

*France ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Australia kulankoodii ugu horeeyay ee Koobka Adduunka ee FIFA, iyagoo 2-1 kaga badiyay ciyaartii furitaanka ee 2018.

*Guusha kaliya ee Australia ay ka gaartay France waxay timid 2001 FIFA Confederations Cup – waxay 1-0 ku badisay Daegu, South Korea,  Afartii kulan ee kale waxay  ku dhamaaedeen saddex guulood oo Faransiis ah iyo barbardhac.

*Xulka qaranka France ayaa u soo baxay koobkii 16-aad ee koobka aduunka ee FIFA. Waa muuqaalkoodii toddobaad oo isku xigta, ka qayb-galkoodii ugu dheeraa abid.

*Tan iyo 1998, France ayaa gaartay finalka Koobka Adduunka ee FIFA seddex ka mid ah lixdii koob (1998, 2006, 2018), in ka badan wadamada kale waqtigan.

*France oo hadda haysata waxay isku dayi doontaa inay noqoto kooxdii saddexaad ee ku guulaysata koobka aduunka  laba jeer oo  xidhiidh ah kadib Italy (1934-1938) iyo Brazil (1958-1962)