Florian Wirtz Oo Iska Diiday Man City Iyo Bayern Munich Si Uu Ugu Biiro Liverpool

Manchester City ma aysan diidin Florian Wirtz, laakiin xiddiga ayaa iska diiday kooxda Man City Pep Guardiola ayaana isla leh eeda in uu xiddigu ku dhawyahay in uu ku biiro Liverpool.

Wirtz ayaa ku dhaw in uu ku biiro Liverpool iyada oo laga bixinayo lacag ka badan 100 milyan oo Euro.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday in Leverkusen ay “ka hadlayso” gunooyinka iyo “faahfaahinta heshiiska” iyadoo Liverpool ay dooneyso inay ku qanciso dalabaadkeeda.

City ayaa lagu soo waramayaa inay sidoo kale doonayaan saxiixa xiddiga laakiin waxa ay ka bexeen tartanka sabab la xidhiidh qiimaha xiddiga oo aad u sareeya.

Waxa la sheegay in heshiiska Wirtz in uu ku kici doono heshiiska ugu qaalisan isaga oo ku kacaya wax ka badan 300 milyan oo Euro.

Sidaas darteed Man city ayaa ka walaacsanayd qiimaha xiddiga xitaa hadii uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican.

Laakiin sheegashadaas waxaa hadda beeniyay wargayska Jarmal ee Bild, oo ku andacoonaya Wirtz ‘inuu isagu diiday ku biirista Man City.

Sidoo kale xiddiga Writz ayaa iska diiday kooxda Bayern Munich.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga