Florentino Perez Oo Afka Furtay Kana Hadlay Mbappe & Suuqa January.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ka hadlay u dhaqaaqista xiddiga Kylian Mbappe marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Real Madrid xagaagii iyada oo Los Blancos dhawr mar dalab Rasmi ah ka gudbisay si ay u hesho saxiixa xiddiga reer France.

Xiddiga ayaa laftiisu qirtay in uu dalbaday in uu isaga tago kooxda PSG si uu ugu biiro Real Madrid laakiin PSG ayaa diiday isku daygii Los Blancos iyo xiddiga taas oo keentay in uu sii joogo kooxda PSG.

Florentino Perez Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Suuqa January ayaan war ka heli doonaa Mbapppe”.

“Waxa aan rajaynayaa in 1 bisha January la xalin doono arinta Mbappe”

Kooxda.com ayaa xusaysa in Mbappe uu suuqa Janaury xro u yahay in uu kooxda uu doonayo la gali karo heshiis hordhac ah si uu qaab xor ah uga tago kooxda xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*