Flick Oo Saadaaliyay Kulanka Lugta 2-aad Ee Ay La Ciyaarayaan Atletico Madrid Copa Del Rey-ga.

Tababaraha FC Barcelona, Hansi Flick, ayaa muujiyay kalsooni ah in kooxdiisu ay 4-0 kaga adkaan karto Atlético Madrid (2-0 qeybta hore iyo 2-0 qeybta labaad) marka ay ku kulmaan lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey bisha Maarso.

Flick ayaa joogay garoonka Riyadh Air Metropolitano markii Atletico Madrid ay 4-0 ku garaacday Barcelona lugtii hore Khamiistii.

Goolal ay kala dhaliyeen Antoine Griezmann, Ademola Lookman, Julian Alvarez iyo Eric García ayaa siiyay kooxda uu hoggaamiyo Diego Simeone guusha ay ka gaareen Blaugrana.

Isagoo la hadlayay warbaahinta kadib ciyaarta, Flick wuxuu muujiyay kalsooni ah in Blaugrana ay bisha soo socota natiijada rogi doonaan marka ay ku ciyaaraan Spotify Camp Nou.

“Fursad ayaan u leenahay inaan rogo natiijada. Waxaan ku guuleysan karnaa qeyb kasta 2-0,” ayuu yiri Flick.

“Waxaan awood u leenahay inaan soo laabano. Waan dagaallami doonnaa, taas darteedna waxaan u baahanahay taageerayaasheena Spotify Camp Nou.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga