Fiorentina Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Ay Aqbaleen Dalab Ay Arsenal Ku Doonayso Saxiixa Dusan Vlahovic

Agaasimaha Fiorentina Joe Barone ayaa xaqiijiyay in Fiorentina doonayso in ay iibiso xiddiga Dusan Vlahovic bisha January laakiin wuxuu beeniyay inay heshiis la gaareen Arsenal.

Gunners ayaa riixaysa in ay helaan saxiixa xiddiga reer Serbia inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January laakiin Vlahovic ayaan doonayn in uu ka tago kooxda ku ciyaarta garoonka Stadio Artemio Franchi ka hor bisha June.

Waxa uu sidoo kale diiday inuu heshiis u kordhiyo kooxda Fiorentina, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 2023.

Waxaa jiray warar sheegaya in Arsenal iyo Fiorentina ay heshiis ka gaareen iibka weeraryahanka, laakiin Barone ayaa beeniyay wareysi uu siiyay wargeyska La Nazione.

“Qaar ka mid ah kooxaha Ingiriiska ayaa xiriir la sameeyay, laakiin weli wax heshiis ah ma jiro. Waan u furannahay [inaan iibino]”ayuu yidhi.