Fikayo Tomori Oo Isaga Huleelay Chelsea & Kulankiisa Ugu Horeeya Ee Ac Milan Oo La Ogaaday.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Fikayo Tomori ayaa qarkau saaran in uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Ac Milan sida ay sheegayaan wararku.

Fikayo Tomori ayaa sidoo kale doonaya in uu Ac Milan u ciyaaro kulankiisa ugu horeeya kulanka ay Milan la ciyaari doonto kooxda Atalanta Sabtida.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda chelsea xilli ciyaareedkan Ac Milan ayaana dhawaan sheegtay in ay ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa xiddiga.

Fikayo Tomori ayaa la filayaa in uu qaab amaah ah ugu biiro Ac Milan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka hor inta ayna qaab toos ah ula wareegin xagaaga.

Shabakada Sky Italia ayaa sheegaysa in ay Ac Milan ku rajo weyn tahay in uu Fikayo Tomori maanta u duuli doono London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro maalinta bari ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*