FIFA Vrirus: Bukayo Saka Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Ugu Horeeya Ee Xulka Qarankiisa England, sidee Wax U Soo Gaadheen?

Xiddiga Bukayo Saka ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ugu horeeya ee xulka qaranka England ee is reeb-reebka koobka adduunka ay la ciyaari doonaan xulka San Marino khamiista sabab la xidiidha dhaawac muruqa ah.

Xiddiga Arsenal ayaa ka qayb ah liiska xulka qaranka England laakiin waxa lagu samayn doonaa baadhitaan dheeraad ah waxana la rajaynayaa in uu taam u noqdo kulamada Poland iyo Albania.

Xiddiga Saka ayaa ku dhaawacmay kulankii Tottenham ee 14 bishii Marc laakiin ka qayb qaatay kulankii West Ham isaga oo ciyaaray 74 daqiqo.

Xiddiga 19 jirka ah ayuu haatan shaki ku jiraa in uu u ciyaaro kulamada xulkiisa kadib markii lagu daray liiska xulka qaranka England ee kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Arsenal ayaa rajaynayasa in uuna dhaawaca xiddigu noqon mid halis ah maadama ay la ciyaari doonaan Kooxda Liverpool kadib fasaxa xulalka kulan Premier League ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*