FIFA VIRUS: Xiddig Muhiim U Ah Oo Dhaawac Looga Saaray Kulamada Xulka Qarankiisa.

Kabtanka kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa Gabon ee ay la ciyaari doonaan Benin sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay.

Weeraryahanka ayaa ka qayb qaatay kulankii ay kooxdiisu 2/1 uga badisay Sheffield United Axadii hore ka hor inta uuna aadin waajibaadka xulka qarankiisa.

Laakiin xiddiga 31 jirka ah ayaa laga saaray Liiska xiddigaha xulka qarankiisa kadib markii uu dhaawac kuraanta ah soo gaadhay.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la sheegayaa in ay Kuraantu barartay sidaas darteed looga saaray waajibaadka xulka qarankiisa.

Arsenal ayaa wadnaha farta ku haysa iyaga oo ka wal-walsan xaalada xiddiga marka loo eego in uu yahay xiddiga ugu muhiimsan kooxda waliba Kadib fasaxa xulalka la ciyaari doonaan kooxda Man City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*