FIFA Virus: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Barcelona & Kulamada Uu Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

GRAF7213. BARCELONA, 24/10/2020.- El entrenador holandés del FC Barcelona, Ronald Koeman, durante el partido de la Liga de fútbol jugado esta tarde en el Camp Nou contra el F.C Barcelona. EFE/Andreu Dalmau

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa gaar ahaan kulankii uu xulka Spain bar-baraha la galay xulka Switzerland.

Sergio Busquets ayaa la sheegayaa in uu ka dhaawacmay jilibka kulankii Sabtida ee uu xulkiisu bar-baraha la galay xulka Switzerland.

Wargayska Mundo Deportivi ayaa sheegaya in uu xiddiga Sergio Busquets garoomada ka maqnaan doono muddo 3 todoaad ah sidoo kale mari doona baadhitaan dheeraad ah.

Sidaas darteed wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga Sergio Busquets kooxdiisa ka maqnaan doono kulamo 4 ah oo kala ah laba horyaalka ah iyo 2 champions League ah.

Kulanka ugu muhiimsan ee uu Sergio Busquets seegi doono ayaa ah kulanka Atletico Madrid ee ay Barcelona la ciyaari doonto 21 bishan haatan lagu jiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*