FIFA VIRUS: Xiddig Man United Oo Ku Dhaawacmay Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Kooxda Man United ayaa dhirbaaxo kala kulantay fasaxa xulalka kadib markii uu ka dhaawacmay xiddig ku maqnaa waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga Anthony Martial ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulka qaranka France guusha ka gaadhay xulka kazakhstan kana tirsanaa kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Xiddiga Anthony Martial ayaa dhaawacmay dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta laakiin xiddiga ayaa ku soo laabtay ciyaarta qaybtii dambe ee ciyaarta.

Xiddiga ayaa isku dayay in uu sii wato ciyaarta laakiin dareemay xanuun xun taas oo keentay in lagu dhex daweeyo garoonka dhexdiisa si uu u sii wato ciyaarta.

Laakiin xiddiga ayaa sii wadan kari waayay ciyaarta taas oo keentay in lagu badalo xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka badalay Martial daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Man United marka loo eego in ay sidoo kale ka dhaawacanyihiin xiddigaha Rashford iyo Cavani kuwaas oo dhaawacyo ku maqan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*