FIFA VIRUS: Xiddig Man City Ah Oo Ku Dhaawacmay Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Holland ee Nathan Ake ayaa ka dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Daafaca Nathan Ake ayaa laga saaray 5 daqiiqo kadib kulankii uu xulka qaranka Holland la ciyaarayo xulka Spain kulan saaxiibtinimo ah.

Daafaca reer Holland ee Nathan Ake aya u muuqda mid ka dhaawacmay muruqa isaga oo dhamaysan kari waayay ciyaarta.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Man City marka loo eego in ay Man City ciyaari doonto kulamo badan wakhtiga soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*