FIFA VIRUS: Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Ku Dhaawacmay Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Goolhayaha kooxda Chelsea Edouard Mendy ayuu dhaawac soo gaaray intii uu ku jiray tababarkii xulka qarankiisa Senegal.

27 jirka ayaa ku soo biiray chelsea suuqii xagaaga isaga oo ugu soo biiray 22 milyan oo euro isaga oo si toos ah u noqday badalka Kepa Arrizabalaga.

Mendy ayaa ilaashaday shabaqiisa kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka Premier League kulanii ay Blues 4/0 uga badisay kooxda Crystal Palace.

Laakiin haatan waxa uu wajahayaa in uu seego kulamo kooxda chelsea ah kadib markii laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xidhiidhka xulkaqaranka Senegal ayaa xaqiijiyay in uu Mendy ka dhaawacmay bawdada lugta Midig intii lagu jiray tababarkii Arbacadii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*