FIFA Virus: Real Madrid Oo War Xun Ka Heshay Xiddig Ka Dhaawacmay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee David Alaba ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Diario AS ayaa sheegaya in uu xiddiga Real Madrid ku dhaawacmay kulankii uu xulka qarankiisa Austria la ciyaaray xulka France kulan ka tirsanaa Nations League.

Xiddiga David Alaba ayaa haatan ka tagay waajibaadka xulka qarankiisa isaga oo ku laabtay Madrid si uu uga soo kabsado dhaawaca soo gaadhay.

Xiddiga kabtanka u ah xulka Austria David Alaba ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 70-aad ee qaybta dambe markii uu raaxo la’aan dareemay.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Real Madrid marka la eego in uu muhiim ka yahay kooxda Ancelotti isla markaas ay tabi doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*