FIFA VIRUS: Real Madrid Oo War Naxdin Leh Ka Heshay Xiddig Muhiim U Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa dhirbaaxo kala kulantay mid ka mid ah difaacyadeeda kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddigo Badan oo Real Madrid ayaa ku maqan gudashada waajibaadka xulalkooda kulamada is reeb-reebka koobka adduunka Qatar 2022.

Xiddiga Éder Militão ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulka qarankiisa Brazil Bar-Baraha la galay xulka Colombia is reeb-reebka koobka adduunka.

Sida laga soo xigtay Idaacda Cope, Xiddiga Éder Militão ayaa ka dhaawacmay jilibka lugta Midig waxana uu mari doonaa baadhitaan dheeraad si loo ogaado xaalada dhaawaca.

Xiddiga Éder Militão ayaa seegi doona kulanka uu xulka Brazil la ciyaari doono xulka Uruguay kulanka todobaadkan ee is reeb-reebka koobka adduunka.

Sidoo kale isla Idaacada ayaa sheegaysa in uu xiddiga Éder Militão seegi doono kulanka champions League ee Shakhtar Donetsk iyo waliba kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*