FIFA VIRUS: Real Madrid Oo Uu Xiddig Ka Dhaawacmay Xilli Uu Ku Maqnaa Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee war xun ka hesha todobaadka fasaxa xulalka kadib markii uu ka dhaawacmay xiddiga Eden Hazard kaas oo la badalay kulankii u dhexeeyay xulka Belguim iyo xulka France ee UEFA Nations League.

Weeraryahanka ayaa gabi ahaan orodka joojiyay daqiiqadii 75-aad isaga oo aan ka qayb galin ciyaarta isaga oo si aayar ah u socday taas oo keentay in lagu badalo xiddiga Leondro Trossard.

Xiddiga reer Belguim ayaan wali la xaqiijin sida ay wax u soo gaadheen laakiin waxa ay u muuqataa in uu xiddigu mar kale dhaawacmay marka la eego sida loo badalay oo uu garoonka uga baxay.

Dhaawacan ayaa naxdin ku ah Real Madrid iyo tababare Ancelotti marka loo eego in uu xiddigu haatanba ku dhibaatoonayo qaab ciyaareed xumo sabab la xidhiidha dhaawacyo is daba joog ah oo soo gaadhay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*