FIFA VIRUS: Raphaël Varane Oo Harry Maguire Kula Biiray Liiska Dhaawaca

Daafaca dhexe ee reer France Raphael Varane ayaa dhaawac uga baxay kulankii uu xulka qarankiisu guusha ka gaadhay xulka France kulan ka tirsanaa UEFA Nationa League.

Xiddiga ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta daqiiqadii 43-aad kadib markii uu isagu is dhaawacay isaga oo kubad difaac is leh.

Warkan ayaa dhibaato ku ah Man United kuwaas oo kulamo adag ciyaari doona kadib fasaxa xulalka waliba dhaawac uga maqanyahay xiddiga Harry Maguire.

Varane ayaa si caad ah u socday markii uu baxayay laakiin kooxda Man United ayuu soo food saaray wal-wal hor leh marka loo eego in uu xiddigu iskii u dhaawacmay xilli ayna cidna u dhawayn.

Varane ayaa liiska dhaawacyada kula biiray xiddiga Maguire kaas oo dhanka kale haatan dhaawac uga maqan kooxda Man United lana filayo in uu seego kulamo muhiim ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*