FIFA Virus: Masiibada Dhaawacyada Barcelona Ee Fasaxa Xulalka Oo Sii Badanaysa, Xiddig Kale Ayaa Ka Dhaawacmay

Masiibada dhaawacyada Barcelona ee fasaxa xulalka ayaa sii xoogaysanaysa iyada oo uu xiddig kale ka dhaawacmay kooxda Barcelona xilli uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ronald Araújo ayaa ku dhaawacmay kulanka uu xulka qarankiisa Uruguay la ciyaarayo xulka Iran kulan saaxiibtinimo oo ay labada xul isugu diyaarinayaan koobaka adduunka.

Xiddiga Ronald Araújo ayaa daqiiqadii 2-aadba dhaawac uga baxay kulanka kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta inteeda kale.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ronald Araújo ayaa u muuqda mid ka dhaawacmay muruqa maadama la arkay isaga oo gacantiisa ku haya muruqa dambe ee lugtiisa Midig.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Barcelona oo ay dhaawacyo ku habsadeen tan ilaa markii xiddigohoodu aadeen waajibaadka xulalkooda.

Xiddiga ayaa dhaawaca kula biiray Kounde, Memphis, Depay & De Jong kuwaas oo ku dhaawacmay waajibaadka xulalkooda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*