FIFA Virus: Liverpool Oo War Xun Ka Heshay Fasaxa Xulalka, Xiddig Muhiim Ah Ayaa Ka Dhaawacmay.

Kooxda Liverpool ayaa war xun ka heshay fasaxa xulalka kadib markii la xaqiijiyay in u dhaawac soo gaadhay xiddiga Diogo Jota sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Portuagl ayaa ku bilowday kulankii uu xulka qarankiisu guusha 3/0 ah ka gaadhay xulka Azerbaijan kana tirsnaaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Xiddiga Jota ayaa dhaliyay gool mid kalena caawiye ka noqday kulankaas isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay guul fudud oo ay ka gaadheen xulka qaranka Azerbaijan.

Laakiin xiddiga ayaa u muuqda mid dhaawac muruqa ah soo gaadhay sida la ogaaday ciyaarta kadib taas oo haatan shaki galinaysa taam ahaanshaha xiddiga ee kulanka Watford ee kadib fasaxa xulalka.

Warkan ayaa ah mid u xun tababare Klopp kaas oo rajaynayay in uu wada helo xiddigihiisa oo wada taam ah kadib fasaxa xulalka marka la eego in uu ciyaari doono kulamo badan kadib fasaxa xulalka.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*