FIFA Virus: Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Real Madrid Kaga Dhaawacmay Waajibaadka Xulalkooda.

Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay dhirbaaxo xanuun badan kadib markii laba xiddig oo muhiim u ah kooxda Zinedine Zidane ay ku dhaawacmeen waajibaadka xulalkooda.

Ugu horayn waxa dhaawacmay kabtanka Los Blancos ee Sergio Ramos kaas oo ka dhaawacmay muruqa qaybtii hore ee kulankii uu xulka Spain xasuuqay xulka Germany.

Xulka Spain ayaa Germany la ciyaaraysay kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada tartanka UEFA Nations League waxana ay dhaawac ku waayeen aybtii hore ee ciyaarta.

Dhibaatada Real Madrid ayaan halkaas ku joogsan laakiin waxa ay sidoo kale dhaawac ku waayeen xiddiga Rafael Varan kaas oo isna dhaawac uga baxay kulankii xulkaqarankiisu guusha ka gaadhay xulka Sweden.

Varane ayaa dhankiisa dhaawacmay qaybtii hore waxana la saaray qaybtii nasashada kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Warkan aya dhirbaaxo ku ah Zidane isaga oo wadnaha farta ku hayn doona waliba rajayn doona in ayna dhaawacyada soo gaadhay daafacyadiisu ahayn kuwo halis ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*