FIFA VIRUS: Chelsea Oo War Xun Ka Heshay Xiddig Uga Manqaa Fasaxa Xulalka.

Kooxda chelsea ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga khadka dhexe ee Jorginho kaas oo dhaawac looga saaray waajibaadka xulka qarankiisa Italy.

Jorginho ayaa ku dhaawacmay kulankii ay chelsea bar-baraha la gashay kooxda Leeds United todobaadkii hore waxana ay kooxdu filaysay in uu taam noqdo xiddigu isaga oo xitaa aaday waajibaadka xulka qarankiisa.

Laakiin tababaraha xulka qaranka Italy ayaa xaqiijiyay in uuna xiddigu taam u ahayn in uu ka qayb qaato kulamada xulka qarankiisa ee bishan maamdama uuna ka soo kabsan dhaawaca.

Xiddiga ayaa haatan dib ugu laabanaya England si uu halkaas ugu soo kabsado dhaawaca inta lagu jiro fasaxa xulalka ee labada todobaad ee soo socda.

Warkan ayaa ah mid u xun Chelsea maadama uu xiddiga Jorginho muhiim ka yahay qorshaha tababare Thomas Tuchel tan ilaa markii uu kooxda yimid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*