FIFA VIRUS: Chelsea Oo War Xun Ka Heshay Fasaxa Xulalka, Xiddig La Dhabar U Ah Ayaa Ka Dhaawacmay.

Kooxda chelsea ayaa war xun ka heshay fasaxa xulalka kadib markii xiddiga Romelu Lukaku laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa Belguim sabab la xidhiidha dhaawac.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Romelu Lukaku ayaa ciyaaray kulankii uu xulka Belguim guuldarada kala kulmay xulka France isaga oo dhaliyay hal gool.

Lukaku ayaa la filayay in uu wajoho xulka Italy kulanka kaalinta 3-aad ee UEFA Nations League laakiin tababaraha xulka Belguim ayaa xaqiijiyay in uuna xiddigu ciyaari doonin kulanka.

Roberto Martinez oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu dareemay xanuun, ma ahayn 100% mid taam ah sidaas darteed waxa aan go’aansanay in aanu ciyaarin”.

Dhaawaca Lukaku soo gaadhay ayaa la filayaa in uu yahay mid muruqa ah waxana uu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulanka Brentford ee sabtida soo socota.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*