FIFA Virus: Arsenal Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeeyay Ee Uu Xiddig Uga Dhaawacmay Kulamada FIFA.

Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay Kulamada Fasaxa FIFA kadib markii uu xiddiga Martin Odegaard ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa xilli uu u ciyaarayay xulkiisa Norway.

Xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard ayaa ku bilowday kulankii uu xulka qarankiisu la ciyaarayay kooxda Gibraltar waxana la badalay Qaybtii Nasashada ee kulanka Arbacadii.

Xilli ay qaybta hore ee ciyaarta ka dhimanayd 5 daqiiqo ayuu xiddigu ka dhaawacmay kuraanta waxana uu u baahday in lagu dhex daweeyo garoonka dhexddiisa ka hor intii aan la badalin qaybtii Nasashada.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Arsenal waxana uu Mikel Arteta rajaynayaa in uuna dhaawaciisu noqon mid halis ah maadama uu xiddig muhiim ah ka noqday Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii january.

Tababaraha Kooxda Norway oo ka hadlaya xaalada xiddiga ayaa yidhi”Waxa uu ka dhaawacmay Kuraanta laakiin waxa aan eegi doonaa in uu taam u noqdo kulanka Turkey ee sabtida”ayuu sii raaciay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*