Fernandes & Pulisic Oo Hogaaminaya Shaxda Ugu Fiican Ee Xiddigihii Ku Soo Biiray Kooxaha Premier League.

Horyaalka Premier League ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay midka ugu adag ee lala qabsan karo sidaas darteed hadii uu xiddig ku cusub saamayn deg-deg ah ku yeesho horyaalka waxa loo arkaa midka ugu fiican.

Waxba kuma kala duwana hadii  uu u ciyaarayo koox u soo dalacday horyaalka xilli ciyaareedka sida Sheffield United & Norwich ama in aad u ciyaarayso kooxo waaweyn oo taariikhi ah sida Man United, Liverpool ama Arsenal.

Hadii uu xiddigu saamayn deg-deg ah ku yeesho waxa loo arkaa midka aad u fiican oo ay kooxdiisu ku guulaystay saxiixiisa waxana la iloobayaa lacagta laga soo bixiyay si walba oo ay u badantahay.

Xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa jiray kooxo badan oo sameeyay saxiixyo hadii ay sameeyeen suuqii xagaaga ama bartamihii xilli ciyaareedka ee suuqii January.

Xiddigahaas ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kuwaas oo ay kooxohoodu guulu ku gaadheen xilli ciyaareedkii dhawaan dhamaaday.

Shabakada WhoScored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee xiddigihii ku cusbaa xilli ciyaareedkii dhamaaday horyaalka premier League

Fernandes and Pulisic star in top Premier League Newcomer XI

Sii Akhriso: WARBIXIN: 5 Qof Oo Ugu Cad-cad In Ay Noqdaan Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*