Ferland Mend Oo Qaban Kara Wax Ayna Xiddigaha Ramos, Benzema, Modric Iyo Kroos Waligood Qaban.

Real Madrid ayaa hal guul oo kaliya u jirta ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana ay la macno tahay in uu Ferland Mendy hal guul u jiro ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid.

Ma jiraan xiddigo badan oo Real Madrid yimid kadib horyaalka kula guulaystay xilli ciyaareedkoodii ugu horeeyay.

Marco Aseniso ayaa sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2016/2017 laakiin waxa jira xiddigo badan oo magaca ku leh kooxda oo aan sidaa samayn.

Inkasta oo ay jiraan xiddigo badan oo cusub oo ku soo biiray Real xagaagii hadana waxa jira xiddigo kulamo badan u ciyaaray kooxda.

Xiddiga Mendy ayaa ah xiddig qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Caasimada xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Xiddigaha waaweyn ee Sergio Ramos, Karim Benzema, Luka Modric & Toni Kroos ayaan kooxda kula guulaysan horyaalka xilli ciyaareedkoodii uu horeeyay.

Tusaale ahaan Ramos ayaa xilli ciyaareedkiisii 2-aad kula guulaystay horyaalka Benzema iyo Kroos ayaa xilli ciyaareedkoodii 3-aad kula guulaystay halka uu Modric sugay 4 xilli ciyaareed.

Xitaa Zinedine Zidane ayaa sugay 3 sano si uu kooxda ugula guulaysto horyaalka markii uu ciyaarayay kubada cagta laakiin Mendy waxa uu ku guulaysan doonaa horyaalka isaga oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*