Ferdinand & Crouch Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guushii Tottenham.

Rio Ferdinand & Peter Crouch ayaa aaminsan in ay Liverpool si fiican ugu jawaabtay dadkii ka shakisanaa kulankii ay guusha 3/1 ah ka gaadhay kooxda Tottenham iyaga oo sheegay in ayna kooxda Liverpool wali ka bixin tartanka horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League.

Guushaas ayaa Liverpool ka caawisay in ay ku soo laabato kaalinta 4-aad iyaga oo haatan 4 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool u baahnayd guushaas”ayuu Ferdinand yidhi.

“Cid walba iyaga ayay ka hadlay waxana la sheegayay in uu dhamaaday tartankooda horyaalka laakiin arinta si fiican ayay uga jawaabeen kulankii Tottenham”.

“Haa, waa run in ay ka maqan yihiin xiddigo muhiim ah laakiin waxa ay haystaan weeraryahano marka ay kalsooni helaan dhamaystiri kara gool walba”ayuu sii raaciyay.

Crouch ayaa dhankiisa sheegay in uu mar walba ku kalsoonaa in ay Liverpool ku soo laaban doonto wakhtigeedii fiicnaa isaga oo waliba sheegay in ay ku dhamaysan doonto meel ka saraysa Man United”.

“Anigu kalsooni ayaan ku qabay markii ay wakhtiga adag ku jireen”ayuu Yidhi xiddigii hore ee Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*