Ferdinand Coly Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-cad Ku Guulaysan Koobka Africa 2025.

Xiddigii hore ee xulka Senegal, Ferdinand Coly, ayaa magacaabay dalalka uu aaminsan yahay inay awood u leeyihiin inay ku guuleystaan Koobka Qaramada Afrika ee soo socda, kaas oo lagu qaban doono Morocco.

Nigeria waa mid ka mid ah dalalka si weyn loo saadaalinayo inay sanadkan la soo hoyan karaan koobka, kaddib markii ay kaalinta labaad ka galeen tartankii laba sano ka hor.

Nigeria ayaa ku guuldareysatay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee 2023, iyagoo guuldaro 2-1 kala kulmat xulka Ivory Coast.

Markan, Coly ayaa u sheegay Filgoal in ay aad u adag tahay in la doorto waddan gaar ah oo loo arko kan ugu cadcad ku guuleysiga tartanka, isagoo raaciyay in arrintaas ay suurtagal noqon karto oo keliya marka tartanku sii socdo oo marxaladihiisu horumar sameeyaan.

Wuxuu sheegay in Morocco, marka laga soo tago inay tahay xulka lambarka koowaad ee Afrika sida ku cad qiimeynta FIFA, ay sidoo kale leeyihiin faa’iidada martigelinta tartanka.

“Morocco waa musharraxa koowaad marka la eego caqliga iyo macquulnimada,” ayuu yiri, ka hor inta uusan xusin Senegal, Masar, Algeria iyo Tunisia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga