Fellaini, Kane, Lingard, Salah, Klopp, Pedri, Neymar, Cavani, Salah & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Tababaraha Man United ee Jose Mourinho ayaa qorshaynaya in uu xagaaga la soo saxiixdo xiddiga khadka dhexe ee Marouane Fellaini kaas oo ay ka soo wada shaqeeyeen Man United (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa la xidhiidhay wakiilada xiddiga Jesse Lingard kaas oo ay doonayaan in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa marka uu dhamaadoa xilli ciyaareedkan (Star).

Kooxaha Leicester City, Man United iyo Tottenham ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lille ee Boubakary Soumare (Star).

Kooxda Bayern Munich ayaa isku dayi doonta in ay la saxiixato taabare Jurgen Klopp xagaaga hadii ay shaqada ka caydhiyaan Hansi Flick (90mins).

Koxoda Liverpool ayaa xiiso dhab ah u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Pedri (Star).

Kooxda PSG ayaa dalab aad u sareeya Miiska u saartay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah si ay u helaan saxiixiisa suuqa xaagaaga (Telefoot).

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham haatana hogaamiya PSG ee Mauricio Pochettino ayaa doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane Si uu ugu xoojiyo kooxdiisa (Telefoot).

Kooxda Villarrel ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga 24 jirka ah ee Pau Torres (AS).

Kooxda Man United aya doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak si ay ugu badaso goolhaye David De Gea (90min).

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xiddigaha kooxdiisa ku dhibaatoonaya siiyay ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna go’aan ka gaadhin mustaqbalkooda xagaaga (Mail).

Tababarihii hore ee kooxda chelsea Frank Lampard ayaa qirtay in uu xagaagii doonayay saxiixa xiddiga West Ham ee Declan Rice (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo hordhac la furtay kooxda RB Salzburg si ay uga hesho saxiixa weerarkayahanka Patson Daka (TodoFichajes).

Kooxda chelsea ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 100 milyan ah si ay dib ugula soo wareegto xiddiga Romelu Lukaku suuqa xagaaga (Calciomercato).

Kooxda Ac Milan ayaa wadahadalo la furtay kooxda Real Madrid kaas oo ay ka doonayaan xiddiga Lucas Vazquez (Calciomercato).

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga (Cuatro).

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa wali ku riyoonaya in ay kooxdu dib ula soo saxiixato xiddiga kooxda PSG ee Neymar (Mundo Deportivo).

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*