Fariintii Qiirada Lahayd Ee Uu Mohamed Salah Ku Macasalaameeyay Liverpool.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa xaqiijiyay in uu Ka Tagayo Kooxda Liverpool Dhamaadka xilli Ciyaareedka.

Weeraryahanka Mohamed Salah oo ka tirsan Liverpool FC ayaa ka hadlay bixitaankiisa dhammaadka xilli ciyaareedka:

“Nasiib darro, maalintii waa timid… waxaan ka tagi doonaa Liverpool dhammaadka xilli ciyaareedka”

“Waligay ma qiyaasi karin sida qotada dheer ee kooxdaan, magaaladaan iyo dadkaani ay qayb uga noqon doonaan noloshayda. Liverpool kaliya ma aha koox kubadeed. Waa dareen iyo jacayl weyn.”

Weeraryahanka Mohamed Salah ayaa hadalkiisa sii watay isagoo si qiiro leh uga hadlay ka tegistiisa Liverpool FC:

“Ka tagistu mar walba ma sahlana. Waxaad i siisay waqtigii ugu fiicnaa nolosheyda.”

“Mar walba waxaan ahaan doonaa mid idinka mid ah! Kooxdani weligeed waxay ahaan doontaa gurigeyga, aniga iyo qoyskaygaba.”

“Waad ku mahadsan tihiin wax walba. Idinka oo dhan dartiin, waligey kaligay ma socon doono.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga