FALANQAYN: Kadib Guushii Aston Villa, 3 Arin Oo Ay Tahay In Uu Jurgen Klopp Ka Saxo Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Man United.

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee FA Cup-ka kulan ay la ciyaarayeen caruurta Aston Villa.

Inkasta oo ay la ciyaarayeen caruur hadana waxa Liverpool ka muuqday dal-dalool weyn kaas oo dhibaato ku noqon kara kooxda Liverpool kulanka Man United.

Liverpool ayaa Axada dambe la ciyaari doonta kooxda ay cadawga yihiin ee Man United kulan adag oo premier League ah kaas oo ay ku waayi karto hogaanka hadii laga badiyo.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa laba arin oo uu tababare Jurgen Klopp iska soxo ka hor kulanka adag ee Man United.

1.Daafaca.

Sida iska cad Liveprool ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawac dhanka daafaca ah laakiin ma ahan in uu Jurgen Klopp kulanka Man United ciyaarsiiyo da’yarka Rhys Williams hadii uu ciyaarsiiyana waa in uu u diyaar garoobo guuldaro ay United dhabarka u saarto.

Rhys Williams ayaa ah xiddig aad u orod yar oo aan garanayn sida loo ordo waxana ay sidaas cadaatay kulankii Aston Villa.

Goolka ay dhalisay Aston Villa waxa laga faa’iidaystay orod yarida Rhys Williams Waxaana uu xiddigii dhaliyay in badan ka dambeeyay Rhys Williams hadana waxa uu si dhib yar ku dhaafay daafaca si uu goolka u dhaliyo.

Sida aan ognahay Man United ayaa haysata xiddigo orod badan sida Marcus Rashford iyo Martial kuwaas oo dhaawici kara kooxda Liverpool.

Sida aan marar badan aragnay xiddiga Bruno Fernandes ayaa marar badan kubad dheer u tuuray Rashford si uu gool u dhaliyo sidaas darteed hadii uu kulanka Axada sidaas sameeyo waliba uu Rhys Williams ciyaarayo Man United way dhaawacaysaa Liverpool.

2.Dhanka kubad samaynta:

Kooxda Liverpool ayaa si weyn ugu dhibaatootay kubad samaynta qaybtii hore ee kulankii Aston Villa kadib markii ay goolka 1-aad dhaliyeen.

Klopp ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddiga Courts Jones, Henderson iyo Georginio Wijnaldum kuwaas oo aan wax kubad samayn ah lahayn.

Hadii aad ku doono in ay Liverpool goolal badan dhalisay xiddigahaas oo ciyaarayay waxa aad xasuusataa in ay ku badsameeyayaasha Liverpool ee dhabta ah yihiin xiddigaha Trent Alexander-Arnold Iyo Andy Robertson kuwaas oo labadooduba ka maqnaa kulankii Aston Villa sidaas darteed qaybtii hore aad ayay ugu dhibaatoodeen in ay kubad sameeyaan.

Laakiin Qaybtii dambe ayay wax is badaleen markii uu Thiago iyo Shaqiri soo galeen sidaas darteed waa in uu Klopp ku wada bilaabo labadaas xiddig khadkiisa dhexe kulanka Man United hadii uu doonayo in uu guul gaadho.

3.Laad La’aanta Goolka:+

Dhibaatadan ayaa Liverpool haysatay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay Premeier Leageu ee ayna wax guul ah gaadhin waana arin ay tahay in uu Klopp iska soxo.

Xiddigaha Liverpool ayaa u muuqda kuwo iloobay in ay kubada ku laadaan goolka waxana ay doonayaan in ay dhaliyaan kubad baas ku dhisan ilaa inta ay goolka hortiisa gaynayaan.

Arintaas ayayna kuu ogolaanayn kooxaaha baska daafaca ah hor dhigta goolkooda laakiin marka aad kubada ku laado goolka waxa ay kuu sahlaysaa in aan goolal ka dhaliso.

Sidaas darteed Klopp waa in uu xiddigihiisa u sheego in ay kubada ku laadaan goolka iyaga oo ka baxsan dilinta ganaaxa taas oo keeni karta in ay gool ka dhaliyaan ama ay xiddigaha ka soo hor jeeda si khaldan isaga dhaliyaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Si Waali Ah U Ixtiraamaan, Miyaad Ka Mid Tahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*