Fal-Celiskii Xiddigaha Barcelona Ee Guuldaradii Atletico Madrid Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa war fiican ka heshay tartanka ay ugu jirto horyaalka La Liga kadib markii ay Athletic Bilbao ka badisay hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsanaa todobaadkii 33-aad ee horyaalka La Liga.

Atletico Madrid ayaa haatan halis ugu jirta in ay waydo hogaanka horyaalka La Liga hadii ay Barcelona guul ka gaadho kooxda Granada khamiista kulankooda baaqiga ah.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegaya in ay xiddigaha Barcelona si waali ah u dabaal dageen kadib goolkii 2-aad ee guusha ee ay Athletic Bilbao ka dhalisay kooxda Atletico Madrid.

Isla barnaamijka ayaa sheegaya in ay xiddigaha Barcelona haatan aaminsanyihiin in ay ku kalsoonyihiin fursadooda ku guulaysiga horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*