Fal Celinta Pierre-Emerick Aubameyang Kadib Markii Kaydka La Dhigay Kulankii Tottenham Oo La Ogaaday.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu si weyn uga xanaaqay in kaydka la dhigo kulankii Tottenham ee Premier League.

Xiddiga reer Gabon ayaa si lama filaan ah kaydka loo dhigay kulankii Adkaa ee North London Derby kadib markii lagu ciqaabay in uu ka habsaamay kulan kooxda ah ka hor kulankii Tottenham.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ku dhamaystay kaydka xilli ay Arsenal guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Tottenham.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Pierre-Emerick Aubameyang si weyn ugu xanaaqay tababare Mikel Arteta kadib markii uu kaydka dhigay isaga oo dhibaato badan ka dhex abuuray kooxda.

Xiddigii hore ee Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo 9 ka mid ah dhaliyay premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*