Fabrizio Romano Oo Ka Warbixiyay Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Mustaqbalka Andreas Christensen Ee Kooxda Chelsea.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Andreas Christensen ayaa noqon doona xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan xiddiga ayaanan ilaa haatan heshiis cusub u saxiixin Blues.

Fabrizio Romano ayaa ka hadlay xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan mustaqbalka xiddiga isaga oo sheegay in uuna xiddigu heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda chelsea.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uuna xiddigu sidoo kale ku biiri doonin koox kale oo premier League ah hadii uu isaga tago kooxda chelsea marka uu heshiiskiisu dhoco.

Christensen ayaa doonaya in uu Ixtiraamo taageerayaasha chelsea sidaas darteed kuma biiri doono koox ka ciyaarta horyaalka premier League waxana uu aadi doonaa koox ka baxsan England.

Kooxaha Barcelona iyo Bayern ayaa xiiseynaya daafaca ka tagi doona England hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda bilaha soo socda.