Fabrizio Romano Oo Ka Warbixiyay Wadahadalada Heshiis Kordhinta Liverpool Ee Mohamed Salah

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa ka warbixiyay wararkii ugu dambeyay ee heshiis kordhinta Liverpool ee Mohamed Salah xilli uu ka hadlayay YouTube-ka.

Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Mohamed Salah kaa soo uu 2 sano ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Liverpool.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Salah wali waxa uu wadahadalo kula jiraa Liverpool.

“Waxa la ii sheegay, ayaa ah in uu jecelyahay Liverpool, in uu jecelyahay Liverpool koox ahaan, taageerayaasha, magaalada iyo wax walba”.

“Laakiin lagama heshiin wax heshiis cusub ah”.

“Haatan ilaa xagaaga dambe Liverpool muhiimadeedu waa in ay hshiis cusub ka saxiixato Mohamed Salah”.

Salah ayaa haatan kooxda Liverpool mushahar ahaan uga qaata lacag dhan 200 kun oo Gini todobaadkii laakiin waxa uu doonaa 300 ilaa 380 si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*