Fabio Vieira Oo Sharaxay Sababtii Uu Uga Tagay Arsenal Suuqii Xagaaga.

Fabio Vieira ayaa shaaca ka qaaday inay ahayd fikradiisa inuu dib ugu soo laabto Porto isla markaas isaga tago kooxda Arsenal kadib sanado adag oo uu ku qaatay Gunners.

Xiddiga reer Portugal ayaa 32 milyan ugu biiray Arsenal suuqii xagaaga ee sanadkii 2022 laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.

Dhaawacyo ayaa door ka ciyaaray in uu xiddigu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican waxana uu ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Vieira, ayaa go’aansaday in uu si ku meel gaar ah ugu soo laabto kooxdiisii ​​si uu ugu soo laabto qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

“Fikirka soo laabashada aniga ayay iga timid. Waan jeclahay kooxdaan, wax walbana wan soo bandhigi doonaa”.

“Waxa aan wakhti adag ku soo qaatay England sidaas darteed waxa aan dareemay in ay Fc Porto taalo fursad aan horumar ku samayn karo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga