Fabio Vieira Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Uu Sugi Laayahay In Uu Kula Ciyaaro Man United.

Saxiixa kooxda Arsenal Fabio Vieira ayaa aad ugu faraxsan in uu la ciyaaro xiddigaha Emile Smith Rowe iyo Bukayo Saka.

Xiddiga khadka dhexe ee Portugalayaa Salsadii ku biiray kooxda Arsenal isaga oo kaga soo biiray kooxda Fc Porto.

Xiddiga Vieira waxaa loo xilsaari doonaa inuu ka caawiyo Smith Rowe iyo Saka si ay fursado goolal ah ugu abuuraan kooxda Mikel Arteta.

“Waxaan taageere u ahay Saka iyo Smith Rowe, runtii waan jeclahay qaabka ay u ciyaaraan,” Vieira ayaa u sheegay website-ka kooxda. “Odegaard aad buu ila mid yahay.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan fursad u helay inaan la hadlo Tavares wax yar ayuu iiga sheegay kooxda”.

“Halkan waxaa jooga dad cajiib ah oo iga caawiyay wax walba oo aan u baahanahay arintaas ayaana ah mid muhiim ah”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*