Fabio Capello Oo Sharaxay Sababta Uu Jorginho Ugu Qalmo Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or

Jorginho ayaa ka mid ah xiddigaha ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or sannadkan sababtuna waa qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee Champions League iyo tartankii Euro 2020.

Abaalmarinta sanadkan ayaa la filayaa in ay ku tartamaan xiddigo badan oo reer yurub ah kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadkii la soo dhaafay.

Tababarihii hore ee England Fabio Capello oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”haki la’aan wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or, ma ahan kaliya inuu ku guuleystay wax walba laakiin wuxuu door muhiim ah ka qaatay guulahaas”.

“”Ma arko ciyaartoy sidiisa muhiim u ahaa sanadka 2021”.

Jorginho ayaa lagu abaalmariyay abaalmarinta xiddiga sannadka UEFA kadib markii uu ku guulaystay labada koob ee laga ciyaaro qaarada yurub ee champions Leageu iyo euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*