Fabio Capello Oo Saadaaliyay Natiijada Kulanka Real Madrid Iyo Man City.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Fabio Capello ayaa rumaysan in ay kooxdiisii hore ku fashilmi doonto in ay iska xaadiriso wareega xiga ee champions League kulanka ay la ciyaari doonto Man City kana tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa Etihad Stadium Ku booqan doonta kooxda Pep Guardiola kulan la ciyaari doono habeen dambe 10:00 habeenimo ee wakhtiga geeska Africa.

“Real Madrid ma soo bixi kartaa? Waa Suurtagal sababta oo ah Waa Real Madrid, waaa iska caadi in ay ciyaarto kulan noocan oo kale ah”ayuu Cappello yidhi.

“Cadaadiska ayaa caawin doona Rela Madrid”.

“Waxa ay si fiican ku dhamaysteen horyaalka La Liga iyaga oo ku guulaystay koobka”.

“Laakiin waxa jira hal dhibaato oo muhiim ah”.

“La’aanta Sergio Ramos waxa Real Madrid ku adkaan doonta in ay difaacato”.

“Sergio Ramos waa kabtankooda, hogaamiyaha qolka Labiska iyo garoonkaba”.

“Laakiin waxa jira hogaamiye kale oo muhiim ah waana Zidane”.

“Laakiin aniga ahaan waxa aan saadaalinayaa in ay Man City gaadho wareega xiga sababta oo ah waxa ka maqan Sergio Ramos”.

Laacib.net

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*